|
Sh. Shariif oo caawa shir jaraa'id ku qabtay Jabuuti kagana hadlay arrimo ay ka mid yihiin, safaradiisii, heshiiskii Jabuuti, dagaalka Kismaayo, sicir bararka iyo xusuuqa bahalnimo ee Itoobiyaanka |
|
Friday, 22 August 2008 19:07 |
|
Guddoomiyaha golaha fulinta ee isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa shir jaraa'id oo deg deg ah ugu qabtay qeybaha kala duwan ee warbaahinta hotelka uu ka degan yahay magaalada Jabuuti ee lagu magacaabo (Ipiriel hotel), isagoo kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen safaradii uu dhowaantan ku kala bixiyay dalalka Masar iyo Suudaan, heshiiskii ay 18-kii bishan Jabuuti ku kala saxiixdeen isbaheysigiisa iyo dowladda, dagaalada lagu hoobtay ee maalintii saddexaad ka soconaya magaalada Kismaayo, sicir bararka dalka ka jira iyo weliba xusuuqyada soo badanaya ee ay ciidamada Itoobiyaanku ka geysanayeen maalmihii ugu dambeeyey dalka Soomaaliya oo uu ugu dambeeyay dadkii maanta xilli duhur ah ay ku laayeen masaajid ku yaala gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
|
|
Read more...
|
|
|
Isbahaysiga oo warsaxaafadeed ka soo saaray Xasuusii Itoobiyaanka |
|
Saturday, 16 August 2008 12:54 |
|
Isbahaysiga Dib u xoreynta Somalia ayaa wuxuu soo saaray warsaxaafadeed uu ku canbaareynaayo xasuuqii ay shalay geysteen ciidamada Itoobiyaanka, warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
|
|
Read more...
|
|
Qarax khasaaro dhimasho iyo Dhaawac u geystay Ciidamada Cadowga & Dabo dhilifkooda oo ka dhacay agagaarka Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad ee M/Muqdisho |
|
Tuesday, 20 May 2008 19:02 |
|
Maanta Barqanimadii ayay Xoogaga xaq u dirirka Soomaaliyeed waxa ay qarax miino kula beegsadeen agagaarka Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad ee jidka Warshadaha ee Magaalada muqdisho.
|
|
Read more...
|
|
Ciidamada Cadowga Itoobiyaaya oo Maanta Nin rayid ahi ku dilay Deg. Wardhiigleey ee M/Muqdisho |
|
Tuesday, 20 May 2008 18:55 |
|
Ciidamada Cadowga Itoobiyaaya maanta waxa ay si arxan darro ah dil ugu geysteen Degmada Wardhiigleey gaar ahaan xaafadaha ka agdhaw Xarunta Madaxtooyada villa Soomaaliya nin rayid ah.
Qof goob jooge ah ayaa sheegay in Ninkan ay sida arxan darada ahi u dileen cadowga Itoobiya uu xilligaasi ku sugnaa ilinka hore ee Gurigiisa oo ku yaalla Degmada Wardhiigleey ee Magaalada muqdisho. |
|
Read more...
|
|
Xoogaga xaq u dirirka Soomaaliyeed oo Madaafiicda Hoobiyayaasha ku garaacay maanta 5 fariisin oo ay ciidamada cadowga Itoobiya ka deganyihiin Muqdisho |
|
Tuesday, 20 May 2008 18:50 |
|
Xoogaga xaq u dirirka Soomaaliyeed ayaa maanta barqanimadii waxa ay madaafiicda loo yaqaano hoobiyayaasha ku garaaceen 5 Fariisin oo ay ciidamada cadowga Itoobiya Ka Degan Yihiin Magaalada Muqdisho.
|
|
Read more...
|
|
Xaq u dirirka Soomaaliyeed oo maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe |
|
Tuesday, 20 May 2008 18:45 |
|
Saraakiil ka tirsan Xoogaga xaq u dirirka soomaaliyeed ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, iyada oo bilihii ugu dambeeyay ay xaq u dirirku si joogta ahi ugu soo noqnoqonayeen.
|
|
Read more...
|
|
Ciidamada cadowga Itoobiya oo Miino Baaris ka wada Qeybo ka mid ah Jidka warshadaha ee Mag. Muqdisho |
|
Tuesday, 20 May 2008 12:25 |
|
Ciidamada cadowga Itoobiya ee fariisinka ka sameystay wasaaradii hore ee gaashaan dhiga ayaa saaka waabarigii hore isku fidiyay qeybo ka mid ah jidka warshadaha ee Magaalada muqdisho. |
|
Read more...
|
|
Xaq u dirirka Soomaaliyeed oo la wareegay gacan ku haynta Saldhiga waabari, Hub & rasaasna ka soo qaniimeystay |
|
Friday, 09 May 2008 19:24 |
|
Abaarihii 05:00 galabnimo ayay Xoogaga xaq u dirirka Soomaaliyeed weerar qorshaysan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ku ekeeyeen Saldhiga degmada waabari oo ay deganyihiin qaar ka mid ah maleeshiyaadka dabo dhilifka Itoobiya.
|
|
Read more...
|
|
Ciidamada Cadowga Itoobiya oo degay xeradii hore ee Maslax ee Waqooyiga M/Muqdisho |
|
Tuesday, 06 May 2008 15:55 |
|
Cutubyo ka mid ah Ciidamada cadowga Itoobiya ayaa saaka degay xeradii hore ee Maslax oo ku taala waqooyiga Magaalada muqdisho.
|
|
Read more...
|
|
Shir looga hadlayo socodsiinta lacagta duuga ah oo ka socda Masjidka Abii Hureyra ee G/Banaadir |
|
Tuesday, 06 May 2008 11:53 |
|
kulan looga hadlayo socodsiinta lacagta duuga ah ayaa goordhaw ka bilowday Masjida Abii hureyra ee Magaalada muqdisho iyada oo ay dhinac socdaan Dibad baxyo rabshado wata oo looga cabanayo diidmada lacaga soomaaliga. |
|
Read more...
|
|
Dibad baxyo Rabshado wata oo ka bilowday Gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ,Xaafadda T-da ee deg.Dayniile KM4, Deg.Madiina & Isgoyska Bakaaraha ee Mag.Muqdisho. |
|
Monday, 05 May 2008 12:20 |
|
Dibad baxyo Rabshado wata oo looga soo horjeedo Diidmada Lacagaha Duuga ah ayaa goordhaw ka bilowday qeybo badan oo ka mid degmooyinka Magaalada muqdisho.
|
|
Read more...
|
|
|
|
|